Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhacay degaan u dhaxeeya Deefow iyo kabxanley

Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhacay degaan u dhaxeeya Deefow iyo kabxanley

Dagaalka maanta ka dhacay halka u dhaxeysa Degaanka Deefow iyo Kabxanley ayaa ahaa dagaal looga jawaabay dulmiga beesha Xawaadle ee ku soo duulay, gubeyna degaanka kabxanley dhamaadkii sannadkii tagay, iyo weliba iyagoo beeshan xad gudub iyo xusuuq ka geystay degaanka Kabxanley ay maalin dhaweyd ku dileen wiil ka soo jeeda Beesha Surre meel aanan ka fogeyn degaanka Deefow.

Dhulkan u dhaxeeya degaanka Deefow iyo Kabxanley ayaa beesha Xawaadle oo gubay degaanka Kabxanley, kana qaxiyey dadkii halkaa degenaa ay soo dejiyeen dad ku abtirsada beesha xawaadle halkaa, iyadoo dadkii halkaa degenaa ay ka qaxiyeen halkaa, isla mar ahaantaana ay bilaabeen markale in ay jibiyaan xabad joojintii dilna u geystay wiil ka soo jeeda beesha Surre.

Beesha Surre oo dagaal gardaro ah degaankooda lagu soo qaaday, lana gubay hoygii shacabkii halkaa ku dhaqnaa, ayaa dulqaadkii ka soo dhamaaday markan ka dib markii markale lagu bilaabay in lagu laayo dhalinyaradooda halkii ay u qaxeen, taas oo ay maanta jawaab ka bixiyeen, kana qaxiyeen dadkii dulmiga waday halka ay soo degeen oo ay ka soo abaabuli jireen colaada, dulmiga, iyo dagaalka lagu hayo beelaha Surre ee degen degaanada Kabxanley, Deefow, Madiina, iyo degaanada ku heeraarsan.

Degaanka u dhaxeeya Deefow iyo Kabxanley oo beesha ku soo duushay kabxanley saldhig ka dhigatay, si xoog lehna usoo degtay ayey dhalinyarada Surre maanta dagaal uga saareen dagaal oogayaasha soo degey halkaa, ahna dadkii gubay Kabxanley, welina ka wada halkaa qalelaase iyo inay ugaarsadaan dhalinyarada Surre ee ku sugan halkaa.

Wixii kaloo ka soo kordha xaalada degaanada Deefow iyo Kabxanley halkan ayaan idiinku soo gudbin haddu Alle Idmo Insha Allaah

cowslafil.com

1 Comment on "Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhacay degaan u dhaxeeya Deefow iyo kabxanley"

  1. Nin aysa shantaada kaa celin sharci kama celinayo…..

Leave a Reply to qubeys boy Cancel reply

Your email address will not be published.